Advertisements
Wararka

M/weynaha Faransiiska oo booqday bartamaha magaalada Paris oo shalay rabshado…


Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqday Faras magaalaha caasimada Paris gaar ahaan Arc de Triomphe in Paris, maalin kadib markii shalay uu ka dhacay dibad bax rabshado watay oo booliska iyo dibad baxayaasha ay isku fara saareen.

Dowlada ayaa dhanka kale tixgalineysa baaqyo ah in ay soo rogto xaalad deg deg ah hadii ay lagama maarmaan ay noqon weyso ama ay sii socdaan dibad baxyada.

Sawiro ay baahiyeen Tv-yada ayaa waxaa ka muuqday burbur loo geestay aargada iyadoo sidoo kale la waxyeeleeyay astaanta Jamhuuriyada Faransiiska.

Macron oo ka soo laabtay shirkii wadamada G20-ga ayaa waxaa ilaalinayay ciidan xoogan oo ka tirsan booliska intii uu booqanayay goobihii shalay Rabshadaha ka dhaceen.

Dad badan oo goobta yimid ayaa soo dhaweyn u muujiyay hogaamiyaha Faransiiska halka kuwa kalena ay ku dhawaaqayeen Macron xilka haka dego.

Dhanka kale isla Axada maanta galinka danbe ayaa la filayaa in uu shir deg deg ah uu la qaato ciidamada Amniga.

Wasiirka Arimaha Gudaha Faransiiska Christophe Castaner ayaa sheegay in banaanbaxyada rabshadaha wata ay abuurayaan Burbur.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: