Advertisements
Wararka

Turkiga oo Sacuudiga ka dalbaday in loo soo gacan geliyo dadkii ka dambeeyey dilka Khashoggi…


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka dalbaday dowladda Sacuudiga inay u soo gacan geliso dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka Wariye Jamal Khashoggi oo bishii October lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Erdogan oo ka hadlayay shirka dalalka G20 ee Argentine ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga ay ku hadlayaan hadalo been abuur ah oo is burinaya, isla markaana ay diideen in macluumaad bixiyaan, iyagoo bedelaya sida ay wax u dhaceen.

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dowladda Sacuudiga aanay wax iskaashi kala sameyn dowladdiisa xogta dilkaas iyo sidii ay ugu soo gacan gelin laheyd dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay inuu si weyn uga murageysan yahay jawaabta Sacuudiga ka bixiyeen dilkaas, isagoo caddeeyay in si shaqsi ah uu isha ugu heyn doono baaritaanada lagu haayo dilkaas, lana wadaagi doono wixii ka soo baxa dowladaha caalamka.

Dowladda Sacuudiga ayaa illaa 18 ruux u xirtay kiiska dilkaas oo noqday fadeexad weyn oo hareysay qoyska Boqortooyada oo lagu eedeeyay inay dilkaas ka dambeeyeen.

Madaxweynaha Turkiga ayaa hareer maray Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ka qeyb galayay shirka G20 ee ka dhacay dalka Argentine, isagoo aan salaamin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: