Advertisements
Wararka

Labo gabdhood oo walaalo ah oo shil baabuur ku dhintay gobolka Ohio ee Mareykanka…


Saraakiisha Booliiska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa baaritaan ku wada sababta ka danbeysay gaariga labo gabdhood oo walaalo ahaa oo shil baabuur ku geeriyooday habeenkii Axad ee todobaadkan.

Labada gabdhood ayaa lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed, waxaa sidoo kale shilka uu dhaawac ka soo gaaray Amina Maxamed oo ay walaalo ahaayeen hablaha geeriyooday.

Baaritaan hor dhac ah oo ay soo saareen saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya in gabdhahan uu shilka ku dhacay kaddib markii gaarigooda oo xowli sare ku socday uu ku dhacay gaari kale.

Saddexda Gabdhood ayaa la sheegay in ay ka soo laabteen booqasho ay ugu tageen dad ay asxaab ahaayeen waxaana waqtiga uu shilkan ku dhacay ay ku soo socdeen gurigooda.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen.

Dhawaan ayey aheyd markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: