Advertisements
Wararka

M/weynaha Nigeria oo dhaleeceeyey warar been ah oo lagu baahiyey baraha bulshada…


Madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buhari ayaa dhaleeceyay warar xan ah oo maalmihii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo ahaa in xanuunkii hayay uu u geeriyooday.

Afhayeenka Buhari ayaa meesha ka saaray in lagu badalay madaxweynaha nin u eg oo ka soo jeeda dalka Sudan.

Buhari oo kulan la qaatay shalay qurba joogta u dhalatay Nigeria ee ku sugan Poland ayaa waxaa uu yiri, haa xaqiiqdii waa aniga ruuxa idin hortaagan waa idiin xaqiijinayaa in aan caafimaad qabo.

Hadalkaan ayaa jawaab waxaa uu u noqonayaa muuqaalo iyo codad maalmihii lasoo dhaafay la soo dhigayay baraha bulshada gaar ahaan Facebook, Twitter iyo YouTube oo ahaa in ninka lagu badalay Buhari lagu magacaabo Jubril.

Hogaamiyaha Nigeria ayaa sheegay in dad badan ay doonayaan in xanuunkiisa kadib in uu geeriyoodo balse uu caafimaad qabo hada.

Afhayeenka Buhari Garba Shehu ayaa ugu danbeyn sheegay in madaxweynaha uu u dabaal degi doono sanad guuradiisa 76-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhashay.

Bil ka hor ayey aheyd markii daaweyn caafimaad uu u aaday magaalada London, waxaana la filayaa in markale uu u tartamo doorashada madaxtinimo oo bisha February ee sanadka 2019-ka uu u loolamo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: