Advertisements
Wararka

Netanyahu iyo xaaskiisa Sara oo lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo laalush…


Booliska Israa’iil ayaa sheegay iney maxkamadeyn wajahayaan Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ka dib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush.

Waxaa lagu tuhunsanyahay iney xagga sharciga si khaldan ugu hiilliyeen shirkadda warbaahinta ee Bezeq telecom, iyagoo ka rabay in dhankeeda ay u baahiso warar dhinaca fiican oo kaliya looga eegayo arrimaha ku saabsan Ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa.

Mr Netanyahu ayaa iska fogeeyay eedeymahaas oo ku jira waxa loo yaqaanno Kiiska 4000.

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa hadda laga dhowrayaa inuu go’aan ka gaaro in kiiskan loo gudbiyo maxkamadda iyo in kale.

Benjamen Natenyahu oo ka jawaabayay eedeymahan ugu dambeeyay ayaa bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Macluumaadkan waxaa go’aankooda la gaaray lana abuuray ka hor inta aysan baaritaannada billaaban.

“Waan hubaa in saraakiisha ku howlan kiiskan, marka ay wax isla dhiraandhiriyaan ay soo saari doonaan isla arrinta aan sheegayo oo ah: Ineysan waxba jirin, ileen waxba ma jiraane.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: