Advertisements
Wararka

Trump oo ka codsaday Imran Khan in uu ka caawiyo nabad waarta oo ka dhalata ee Afghanistan…


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu ka codsaday Ra’isul wasaaraha Pakistan Imran Khan in uu ka caawiyo Nabad waarta oo ka dhalata dalka Afghanistan sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Pakistan Fawad Chaudhry.

Trump ayaa warqad u diray hogaamiyaha dalkan ku yaal koonfurta Aasiya sida uu wakaalada wararka ee Reuters isniinta maanta ah ugu waramay Chaudhry.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa u sheegay in xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Pakistan uu yahay mid muhiim u ah sidii lagu xalin lahaa colaada ka taagan Afghanistan.

Dhanka kale hadalkan ka soo baxay Pakistan ayaa waxaa ka hadlin safaarada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Islamabad.

Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo in la soo afjaro dagaalka wali ka socda Afghanistan kaasi oo u dhaxeeya ciidamada amniga Afghan iyo Gaashaanbuurta Nato oo dhinac ah iyo dagaalyahanada Taliban.

Kooxda Taliban ayaa horay u sheegtay in ay wadi doonto dagaalka ilaa ciidanka shisheeye laga saarayo dalkaasi, si ay uga hirgeliyaan xukun Islaami oo shareecada Islaamka ah ku maamusha dadweynaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: