Advertisements
Wararka

Booliska Kenya oo wareysi la leh 3 qof oo lala xiriirinayo afduubka gabar u dhalatay Talyaaniga…


Wargeyska Nation ee ka soo baxa Magaaladda Nairobi ayaa qoray inay Baarayaasha Booliska xog-wareysi la leeyihiin 3 qof oo lala xiriirinayo Howlgalkii bishii hore lagu afduubtay Muwaadinad u dhalatay Talyaaniga oo lagu magacaabo Silvia Romano.

Booliska waxay shalay Maxkamadda hor geeyeen eedeysanayaasha kala ah Dumal Xaaji Cusmaan, Xasan Barrow Khamiis iyo Ruqiyo Nuuno.

Garsooraha Maxkamadda magaalladda Malindi, Julie Oseko waxay oggolaatay Codsi ay Baarayaasha ku doonayeen in loo oggolaado in ay Eedeysanayaasha sii hayaan ilaa bishan December 14-da, si ay u soo dhamaystiraan Baaritaankooda.

Eedeysanayaasha waxaa lagu soo oogi doonaa inay gacan siiyeen kooxihii qafaashay Haweeneyda u dhalatay Talyaaniga, taasi oo bishii hore ee November 20-dii laga qafaashay Gobalka Xeebta ee dalka Kenya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: