Advertisements
Wararka

Dagaal dhex maray al-Shabaab iyo Macwsiley oo ka dhacay deegaan hoos taga Aadan Yabaal…


Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab kaddib dagaal ay la galleen xoogag is abaabulay oo la magac-baxay Macwisley.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Guullane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Goobjogayaal ayaa sheegay inta la og yahay in dagaalkan ay ku nafwaayeen ilaa 8 ruux tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay intooda badan lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Xaalada deegaanka Guullane ayaa saakay degan, iyadoona cabsi ay ka jirto, taasi oo u dhexeysa Al-Shabaab iyo Kooxda La magac baxday Macwisley.

Xoogagga Macwisleyda ayaa intooda badan ka howlgala deegaanno hoostaga gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyaga oo dhowr jeer oo hore dagaallo culus la galay Al-Shabaab.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: