Advertisements
Wararka

Sh. Xasan Daahir Aweys oo taageeray weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xertii C/weli Cilmi…


Wadaadka Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa taageeray weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xertii C/wali Cilmi Yare oo Shabaab ay weerareen 26-kii Bishii la soo dhaafay, halkaasi oo ay ku dileen 18 ruux oo wadaadka ku jiro.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay weerarkaasi inuu ahaa mid loo baahnaa oo Shabaab ay fuliyeen, shacabka Somaliyedna ay kaga farxiyeen, maadaama C/wali Cilmi yare uu ku sheegay inuu ahaa ruux fasahaad waday.

Muuqaal uu soo duubay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Baraha Bulshada lagu faafiyay ayuu arrintaan kaga hadlay.

“Qoladii sameysay waa ku ammaanan yihiin, waana dareemayaa Somalida dhan ayaan la wadaagayaa nin kasta oo Islaam ah oo garanaayay ninkaasi & fidnadiisa ay gaartay waa ay ku faraxsan yihiin, wixii ay bi’iyeen oo hadhow marna dadka ka farxiyaan marna ay ka oohinayaan ceebtaasi waa leeyihiin, laakiin acmaashooda ilaahey ayaa ku xisaabayaa.” Ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Isaga oo hadalka sii wata Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uu tilmaamay dalka inaysan ka jirin dowlad Islaami ah oo fulisa xukunada noocaasi oo kale ah oo loo gaysto dadka gefafka diinta ka gala.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: