Advertisements
Wararka

Jilaa Mareykan oo caan ah ayaa bilaabay in uu film cusub ka sameeyo dilkii Khashoggi…


Jilaaga caanka ah ee ku guuleestay bilada Oscar-ka Sean Penn oo u dhashay Mareykanka ayaa waxaa uu bilaabay in uu Film cusub ka sameeyo dilkii wariye Jamal Khashoggi loogu geestay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Penn, oo ay wehlinayaan rag kale oo la sameynaya Filmkan cusub oo isku ekeysiinaya shaqaalaha qunsuliyada iyo waardiyeyaal ayaa waxaa lagu hortooganayaa afaafka hore ee Qunsuliyada Sacuudiga maanta oo Arbaco ah si jilitaan ah.

Sawiro ku saabsan Jilitaankan Filimkaan ayaa waxaa baahisay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu.

Jilaagaan labada mar ku guuleestay bilada Oscar-ka ayaa dhanka kale lagu arkay guriga uu degan yahay qunsulka Sacuudiga u jooga magaalada Istanbul.

Jamal Khashoggi oo wax ku qori Jiray Majalada Washington Post ayaa labadii bishii October waxaa lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Magaalada Istanbul.

Muwaadinkan oo u dhashay Sacuudiga ayaa marar badan dhaleeceyn u jeediyay boqortooyada waxaana dilkiisa lagu tuhmayaa in uu soo amray dhaxal suge Maxamed bin salmaan.

Khashoggi ayaa wali meydkiisa laga baadi goobaya gudaha Turkiga inkastoo ciidanka danbi baarista ay horay u sheegeen suura galnimada in la jarjaray deetana lagu shubay aashito.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5396 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: