Advertisements
Wararka

R/wasaaraha Faransiiska oo sheegay in lix bilood la hakinayo canshuurta qiimaha shidaalka…


Ra’isul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa ku dhawaaqay in lix bilood la hakinayo qiimaha sare ee la saaray canshuurta shidaalka si looga jawaabo dibad baxyada hareeyay Faransiiska.

Canshuurta ay dowlada saartay shidaalka ayaa keenay in saameyn dhanka nolosha ah ay ku yeelato shacabka waxaana ay dhalisay in dadweynaha ay caro xoogan u qaadaan xukuumada Paris.

Philippe ayaa Talaadadii sheegay in talaabada ay qaaday dowlada ay xaalada ka dhigi doonto mid degan.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuurta la saaray shidaalka ayaa bilowday 17 bishii la soo dhaafay ee November,waxaana intii uu socday is fara saaray ciidanka amniga iyo dadweynaha ka qeyb qaatay mudaaharaadka.

Dhanka kale Ra’isul wasaaraha Faransiiska ayaa ugu baaqay shacabka in aysan sharaf iyo wanaag aheyn dibad bax lagu waxyeeleynayo dalka balse wax walbo ay wadahadal u Maraan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5398 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: