Advertisements
Wararka

Kulan albaabada u xirnaa oo ka dhacay Villa Hargeysa oo ku kulmay wasiiro iyo xildhibaano…


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal ayaa maanta kulan qado u sameeyay Xildhibaanada iyo Wasiirada ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Hoyga Guddoomiye Mursal, waxaa kulanka ka dhex muuqday Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Ujeedka kulanka ayaa ahaa arrimaha doorashada Koonfur Galbeed iyo xaaladaha ka jira Baydhabo, waxaana intii kulanka socday laga dooday caqabadaha ku horgudban Doorashada Koonfur Galbeed, waxaana Xildhibaanada qaar ku dhaliileen Guddoomiye Mursal sida uu uga gaabiyay arrimaha masiirka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin ku heyso doorashada, isla markaana ay kala faquuqeyso Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweyaha.

Ugu dambeyn waxaa la isku afgartay in doorashada ay noqoto mid Xor iyo xalaal ah, isla markaana aysan jiri doonin qof gaar ah oo laga reebayo iyo in ciidamadii laga diray magaalada Muqdisho ay aheyd arrin qalad ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: