Advertisements
Wararka

M/weynaha Somalia oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid labada Jenaraal iyo askartooda…


Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid labo janan iyo askar kale oo la socotay oo qarax miino oo wadada dhinaceeda la dhigay ku dhintay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen taliyihii Qaybta 12-ka April Marxuum Jenaraal Cumar Aadan Xassan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Jenaraal Cabdi Cali Jamaame iyo askartii kale la geeriyootay.”

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

“Waddani-yiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Taliyihii qeybta 12-ka April ee ciidanka xoogga dalka Jen. Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere) iyo saraakiil kale ayaa lagu dilay qarax miino oo waddada dhinaceeda la dhigay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sidoo kale ku geeriyooday Abaanduulaha qeybta 12-ka April Jen. Cabdi Cali Jamaame iyo illaa toddobo askari oo kale.

Qaraxa ayaa lala beegsaday xilli Taliyaha iyo kolonyadiisa ay ka soo laabteen deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellaha hoose oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidammada xoogga dalka.

Kooxda al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu dilay saraakiisha milatariga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa ku xooggaan gobolka Shabeellaha hoose ,halkaas oo la rumeysan yahay inay ka soo abaabusho weerarrada ay ka fuliso caasimadda Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: