Advertisements
Wararka

Hay’ada NISA oo sheegtay in howlgal qorsheyan ay ka fulisay deegaanka Sabiid iyo Caanoole…


Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa sheegtay in Ciidamada Amniga ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Sh/Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu ka dhacay xafiiska xisbada Al-shabaab ee degaanka Sabiid iyo Caanoole, iyadoo lagu soo qabtay laba xubnood oo al-shabaab ah, qalab walxaha qarxa ah iyo saanad ciidan.

“Howlgal qorsheysan oo ciidanka amnigu xalay ka fuliyay xafiiska xizbada al-shabaab ee Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu soo qabtay labo xubnood oo alshabaab ah, walxaha qarxa iyo saanad, muhiimadda koobaad ee ciidanka amniga waa ka hortaga alshabaab iyo badbaadinta shacabka”. ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

NISA ayaa soo saarta warar ku saabsan xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu soo qabtay howlgallo ka dhacay degaano kala duwan iyadoo aan bixin cadeymo iyo faahfaahin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: