Advertisements
Wararka

Taliyaha Booliska Somalia oo tababar ugu soo xiray Jabuuti cutubyo ka tirsan Booliska…


Taliyaha ciidamada Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Bashiir Cabdi Maxamed, oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa tababar ugu soo xiray halkaasi Cutubyo ka tirsan Boliiska Soomaaliyeed.
Tababarkan oo soconayay muddo Saddex Bil ah, ayey ciidanku ku qaadanayeen dugsiga tababarka Booliska dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Habane,iyagoo baranayay casharro ay ka mid ahaayeen, sugidda amniga, baarista fal dembiyeedyada iyo ka hortagga rabshadaha.

Xafladdii lagu soo xirayay tababarka ayaa waxaa ka qayb galay, Wasiirka arrimaha gudaha ee Dalka Jabuuti ,Wasiiru Dowladaha wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, Taliyaha Ciidamada difaaca ee Dalka Jabuuti Gen. Sakariye Sheekh Ibraahim, Taliyaha ciidanka Booliska dalka Jabuuti , Col.Cabdillahi Cabdi Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale.

Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay ayaa door lama illaawaan ah kaga jirta tababarrada iyo dib usoo kabashada Ciidamada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale kaalin fir-fircoon ka qaadata xoojinta Qaranka Soomaaliyeed iyo dhismaha hay’adahiisa Dowliga ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: