Advertisements
Wararka

Xisbiga haya talada dalka Jarmalka ee CDU ayaa doortay hogaamiye cusub…


Xisbiga haya talada dalka Jarmalka ee CDU ayaa hogaamiyaha xisbiga u doortay Annegret Kramp-Karrenbauer in ay noqoto kadib kulan uu maanta xisbiga yeeshay.

Doorashadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa hogaamiyaha Xisbiga ahna Raisul wasaaraha Jarmalka Angela Merkel oo xilkan heysay 18 sano ee la soo dhaafay.

Xubnaha Xisbiga CDU ayaa u istaagay 9 daqiiqo Ms Merkel si ay u sagootiyaan.

Codeynta maanta oo laba mar ay soo noqotay ayaa timid kadib markii 64 Jirta hogaamisa Jarmalka ay ku dhawaaqday bishii October in aysan mar kale codsan doonin in la soo doorto balse ay dhameysan doonto mudada sadexda sano ah oo xilkeeda uga hartay.

Kramp-Karrenbauer ayaa xilka hogaamiyaha xisbiga CDU uga guuleysatay Friedrich Merz, kaasi oo mucaarad ku ahaa marar badanna su’aalo galiyay hanaanka siyaasadeed ee Ms Merkel u maareysay qaxootiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: