Advertisements
Wararka

Aas Qaran oo loo sameeyey labadii Janan ee ku shahiiday qarax ka dhacay Dhanaane…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Salaad Jinaaza ah iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jen. Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen. Cabdi Cali Jammaame, oo ku shahiiday qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose.

Salaadda Jinaazada oo ka dhacday Masjidka Madaxtooyada, ayaa waxaa kasoo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Aas Qaran1

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

Wuxuu Taliyuhu hoosta ka harriiqay inaysan Dowladdu illaawi doonin Xaasaskii iyo Carruurtii ay ka geeriyoodeen, isagoo sheegay in marxuumiintan shahiidday aysan dhiman balse ay dhuunteen.

“Waxaan u sheegeynaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed dhaqan buu lahaa Ciidanka xoogga Dalka, ka tegi meyno waa ilaalineynaa, Aabbaha markuu dagaal ku dhinto, Carruurtiisa iyo Xaasaskiisa waxaa ballan qaadaya Xoogga Dalka Soomaaliyeed,’ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay inay ka qoomamayn doonaan ficillada fulaynimada ah ee ay argagixisadu ku dhaqaaqeen Dadka Bulshada waxtarka u leh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: