Advertisements
Wararka

Kusimaha M/weynaha Koonfur Galbeed oo la sheegay inuu xafiiska ku joogo sharci daro…


Saddex ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan arrimaha doorashada Koonfur Galbeed, iyagoo walaac ka muujiyay xaalado soo kordhay.

Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow, Aadan Saransoor iyo Ibraahim Macalin Nuur ayaa sheegay in Kusimaha Madaxweynaha C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye uusan sharci ku fadhin, sidaas darteed wixii ka dambeeya 8-da bisha December aanu sii heyn karin xilka Kusimaha.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Koonfur Galbeed ay wajahayso khal khal dastuuri ah, isla markaana aanu Kusimaha Madaxweynaha ku joogin xafiiska sifo sharci ah, iyagoo ugu baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu diyaariyo Qaraar baarlamaani, inta laga dooranayo Madaxweyne oo la sameeyo Gole KMG ah oo loo dhan yahay.

Musharaxiintan ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso arrimaha doorashada Koonfur Galbeed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: