Advertisements
Wararka

Madaxda dalalka Suudan, Jabuuti iyo Itoobiya oo ku kulmaya dalka Itoobiya…


Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa waxa ay gaareen Magaalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladda iyo Ismaamulka Oromada Itoobiya.

Madaxda Saddexda dal ayaa ka wada hadli doona arrimaha horumarineed ee saddexda dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka cusub ee dhawaan ka bilaawday wadamada Geeska Afrika.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa ay ka qayb geli doonaan Bandhig Dhaqameedka sanadlaha ee Qowmiyadaha Itoobiya ee ka dhacaya Magalada Jimmi ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya.

Isbedelada ka socda dalalka Geeska Afrika ayaa sahlay in madaxdaan ay tagaan dalka Itoobiya, xilli Madaxweynaha Sudan Cumar Al-Bashiir uusan aad u socod badneyn.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5393 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: