Advertisements
Wararka

Somaliland oo beenisay wararka la xiriira in uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya…


Somaliland ayaa si adag u beenisay warar la xiriira inuu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Somaliland & dowladda Itoobiya, kadib markii ay soo baxeen warar la xiriira arrintaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon), ayaa sheegay inay jiraan dacaayado kala duwan oo laga faafiyay xiriirka labada dal, balse arrintaasi aysan jirin.

Wuxuu sheegay wada shaqeynta & xiriirka labada dal inuu yahay mid hagaagsan, islamarkaana been ay tahay wararka been abuurka ah.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay Safiirkii Itoobiya u fadhiyay Somaliland ee la bedelay inuu ka mid ahaa Safiiro dowladda Itoobiya ay ka bedeshay 60 dal.

“Xiriirka Itoobiya & anaga naga dhaxeeya waa mid ku dhisan danaha la iska leeyahay, dal waliba dantiisa sida uu ku gaadhi lahaa wuu garanayaa, xiriirka wuu wanaagsan yahay dacaayado laga sameeyay ayaa jiray arrintaasi waana been, Safiirkii u joogay Somaliland oo la bedelay ayaa jirtay wuxuun ka mid ahaa lixdan safiir oo dalal badan Itoobiya ay ka soo bedeshay, taasi ayaana keentay dad badan inay u fasirtaan xiriirka inuu xumaaday.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay isbedel ballaaran, tan iyo markii Xafiiska Shaqada uu si toos ah ula wareegay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: