Advertisements
Wararka

Warar ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xaaf iyo hogaanka Ahlusuna…


Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hoggaanka sare ee Ururka Ahlusuna.

Sida wararku sheegayaan khilaafkan ayaa salka ku haya doorashada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo horay Xildhibaanada Galmudug qeybtooda fadhiya Dhuusamareeb ay xilka uga qaadeen Maxamed Xaashi Carabey

Khilaafka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu isa soo tarayay, isla markaana xubnaha Ahlusuna ee awoodda ku leh Dhuusamareeb ay wateen Musharax ay doonayaan in loo doorto Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Wararka ayaa intaa ku daraya in khilaafka uu si gaar ugu dhaxeeyo Madaxweyne Xaaf iyo Guddoomiyaha Guud ee Ahlusuna Macalin Maxamuud oo la sheegay inuu doonayo, waxaana la isku khilaafsan yahay musharaxiin la kala wato.

Xildhibaanada Galmudug ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa horay midba midka kale waxaa uu ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen, waxaana taasi sababtay in Maamulkaas uu yeesho Labo Madaxweyne, Labo Gole Wasiir, Labo Guddoomiye Baarlamaan.

Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Galmudug ayaa weli xal loo heli la’yahay, waxaana horay u guuldareystay dadaalo ay waday Madaxtooyada Soomaaliya oo la doonayay in lagu heshiisiiyo Hoggaanka Maamulkaas oo Madaxweyne Farmaajo ku martiqaaday wada hadal lagu dhex dhexaadinayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5397 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: