Advertisements
Wararka

Feeryahanka weyn ee Mareykanka Floyd Mayweather oo labo daqiiqo ku qaatay $9 milyan…


Feeryahanka weyn ee Mareykanka Floyd Mayweather ayaa garaacay feeryahan kick boxer oo Japan u dhashay oo la yiraahdo Tenshin Nasukawa oo heysta horyaalka dalkiisa, ciyaartaasi oo lagu qabtay magaalada Tokyo ee Japan, waxay ku qaadatay in uu garaaco muddo labo daqiiqo oo keliya.

Isla Labadooda

Mayweather oo ka fadhiistay ciyaaraha feerka ayaa si lama filaan ah u go’aansaday inuu ku soo laabto si uu ula dagaalo Nasukawa oo aan laga aqoonin dalka Mareykanka ama meel ka baxsan Japan.

Mayweather oo 41 jir ah ayaa dhulka dhigay seddax jeer ninkii uu la feertamayey oo 20 jir ah wareegii koowaad ee ciyaarta oo ka koobneyd seddax wareeg, kahor inta aanan orod ku soo gelin goobta feerka macalinka Nasukawa si uu u dalbado in ciyaarta la joojiyo.

Mayweather vs Nasako.jpg

Mayweather ayaa halkaasi kala huleelay sagaal milyan oo dollar, taasi oo micnaheedu tahay in halkii daqiiqo uu ku qaatay 4.5 milyan, iyadoo ciyaartu ay socotay oo keliya labo daqiiqo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: