Advertisements
Wararka

Liiska xubnaha cusub oo ka mid noqonayo baarlamaanka P/land oo lagu wado in lagu…


Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland looga dhawaaqo liiska xubnaha cusub ee noqonaya Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland ee lagu wado in ay soo doortaan madaxweynaha.

Liiska Xildhibaanada ayaa ka koobnaan doona 66 Xildhibaan oo ku qoran dastuurka maamulka Puntland, waxaana maalmaha soo socda ay dooran doonaan Gudoonka baarlamaanka maamulka Puntland.

Musharixiinta qaarkood ayaa horey uga digay in xubnaha cusub ee Baarlamaanka noqon karaan kuwo si gaar ah madaxtooyada Puntland u soo xulatay, hase ahaatee waxaa isha lagu wada hayaa magac-yada xubnaha la filayo in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub iyo sida ay uga fal celiyaan musharixiinta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: