Advertisements
Wararka

M/weynaha Sudan oo booliska ugu baaqay in ay u turaan dibadbaxayaasha ka soo…


Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ugu baaqay ciidanka booliska in ay yareeyaan awooda xad dhaafka ah oo ay u adeegsanayaan dibadbaxayaasha ka soo horjeeda dowlada.

Kadib kulan uu Axadii shalay kula qaatay magaalada caasimada ah ee Khartuum madaxda ugu sareysa booliska ayaa waxaa uu faray in aysan u adeegsan dadka rayidka awoodooda.

Al-Bashiir ayaa dhanka kale tilmaamay in kharbudaada burburinta iyo boobka ay tahay xaalad xun balse aan lagu samataxin karin in ciidanka ay awood adeegsadaan.

Hogaamiyaha Sudan ayaa dhanka kale tilmaamay inuu doonayo xaqiijinta nabada booliskana looga baahan yahay in ay sugaan amniga si aan qasab aheyn.

Bananbaxyada ka bilwoday wadanka Sudan 19 bishan December ee looga soo horjeedo sare u kaca shidaalka iyo rootiga ayaa waxaa ku dhintay 19 ruux halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray madaxweynaha Sudan ayaa imaanaya iyadoo hey’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ay ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo dadka ku dhintay dibadbaxyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6342 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: