Advertisements
Wararka

Ciidamada Militariga Somalia oo toogtay rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen al-Shabaab…


Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Dowladda Soomaaliya ay toogasho ku dileen 6 qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii dhawaan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Raggan la toogtay ayaan wax maxkamad ah la soo taagin iyadoo ururka Al-Shabaabna ay beeniyeen in ay ka tirsanaayeen raggaas la toogtay.

Saraakiisha Ciidanka ee degmada Baardheere ayaa sheegay in maxkamad aysan marsiin raga la toogtay , waxaa ayna arintaasi u sababeeyeen kadib markii dhawaan uu go’aan ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Magacyada Raggan toogashada lagu fuliyay iyadoo aan maxkamad la soo taagin ayaa kala ah.

Saleebaan Maxamed Sheekh
Maxamuud Maxamed Buule
Maxamed Cabdi Cali.
Maxamed Yuusuf Isaaq
Aadan Carabeey Xalane.
Maadeey Xaaji Macalin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: