Advertisements
Wararka

Somalia oo ku eedeysay wakiilka gaarka ee QM Somalia inuu ku xadgudbay shuruucda…


Dowlada Fedaraalka Somalia ayaa eedeyn u soo jeedisay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u xilsaaran arimaha Somalia Mr Nicolas Haysom oo fadhigisu yahay magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada maanta oo taariikhdu tahay 1da Janaayo ee sanadka 2019-ka ayaa lagu sheegay in Mr Haysom uu ku xadgudbay shuruucda diblumaasiyada iyo madaxbanaanida dalka oo uu si cad u soo farageliyey.

Dowlada Somalia ayaa dhanka kale sheegtay in wakiilka Qaramada Midoobay uusan ka howlgali karin gudaha Somalia wadankana laga rabin, ayna ku wargelisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

WAD Somalia.jpg

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6342 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: