Advertisements
Wararka

Xafiiska QM ee Somalia oo xaqiijiyey in labo qof oo ka tirsan shaqaalaha QM ay ku dhaawacmeen…


Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somalia, ayaa markii u horeysay ka hadlay Madaafiic duhurnimadii maanta lagu garaacay Xerada ugu Weyn Amisom ee Somalia.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in laba ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo qof qandaraasle ah ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday hoobiyayaal oo lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee ku dhex taalla Xalane.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midiobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa sheegay in toddoba madfac lagu soo riday xarunta, waxaana uu sheegay in dhaawaca soo gaadhay shaqaalaha uusan ahayn mid naftooda halis ku ah.

Haysom ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay inuu yahay mid xadgudub ku ah sharciga bani’aadminnimada ee caalamka.

Waa weerarkii u horeeyay ee Shabaab ku qaadaan Xerada sida aadka ah loo ilaaliyo ee Xalane oo ku dhegan Garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho, Laamaha amniga oo ku baxay halka Madaafiicda laga soo tuuray, lama soo sheegin wax dad ah oo ay soo qabteen.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: