Advertisements
Wararka

Wasiirka arrimaha dibada oo faahfaahin ka bixiyey go’aanka dowlada Somalia ku eriday…


Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay go’aanka dowladda Soomaaliya ay dalka uga eriday Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay madax banaanida Soomaaliya.

Wareysi Wasiirka Arrimaha Dibadda uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in Mr Haysom uu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadda, sidaas darteed uu gef weyn ku sameeyay qaranimada iyo madax banaanida Soomaaliya.

“Mr Haysom wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya, wuxuu caay ku yahay dhaqanka UN-ka, wuxuuna gaf weyn ku sameeyay Qaranimada iyo Madax banaanida Soomaaliya”ayaa yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Danjiraha Qaramada Midoobey uu marar badan sameeyay qaladaad, isla markaana warar uusan kala tashan dowladda Soomaaliya uu sheegay, gaar ahaan waraaq uu u qoray Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

“Marar badan ayuu qaladaad sameeyay, warar uusan dowladda kala tashan oo uusan hubsan ayuu sheegay, wuxuu waraaq u qoray Wasiirka Amniga, isagoo ula hadlayo sida nin isaga ka tala qaato, waa loo sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey in aan Wakiilka laga rabin Soomaaliya, kana shaqeyn karin”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Nicholas Haysom ayaa Soomaaliya loo soo magacaabay bishii September, waxaa uu xafiiska UNSOM joogay muddo afar bilood, isagoo muddo xileedkiisa ama magacaabidiisa ku soo aaday, iyadoo dalka ka jireen xiisado siyaasadeed oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaa uu booqashooyin ku tagay xarumaha maamul goboleedyada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: