Advertisements
Wararka

Danjiraha Somalia ee QM oo difaacay go’aankii dowlada ku eriday Nicholas Haysom…


Danjiraha dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya xarunta QM Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Ammaanka ee QM kaga warbixiyey xaaladda Soomaaliya.

Danjire Abuukar ayaa ugu horeyn cambaareeyey hoobiyayaashii lala beegsaday Xarunta Qaramada Midoobey ee Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda waddo baaritaan buuxa, ayna ku daba jirto kooxihii ka dambeeyey.

Danjiruhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in sharciyadda iyo sharafta dowladda Feradaalka Soomaaliya ay gacanta ugu jirto shacabka Soomaaliyeed, sidaasi darteed, waxa uu tibaaxay in xukuumadda hadda jirta ay ku hawlgasho doonista shacabka Soomaaliyeed ee ah in la helo dowlad Soomaaliyeed oo maqaam u qalma ku dhex leh adduun weynaha.

Danjire, Abuukar oo ka hadlaya dhacdadii ay dowladdu ku cayrisay Wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u kala duwan yihiin ururrada caalamiga ah ee ay ka tirsan tahay iyo falalka saamaynta taban leh ee uu qof gaar ah ku kaco. wuxuuna muujiyey sida dowladda Soomaaliya aanay raalli uga ahayn falalka ka baxsan hab maamuuska iyo dhaqanka dibloomaasiyadda ee abuuraya jawi sumaysan oo carqalad ku ah horumarka ilaa hadda lagu tallaabsaday.

Danjire Abuukar waxa uu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay tahay mid go’aannadeeda u madaxbannaan, ayna hadda dagaal kula jirto argagaxisada, qabyaaladda iyo musuqmaasuqa, sidaasi darteedna ay u baahan tahay in la garab istaago.

Danjire Abuukar oo arrinta Mukhtaar Roobow ka hadlaya ayaa sheegay in qof Golaha Ammaanku cunaqabatayn ku soo rogey oo aan dhammaysan barnaamijka dhaqan-celinta ee loogu talagalay xubnaha ka soo goosta argagaxisada aannu jago ka qaban karin Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in labadii doorasho ee Soomaaliya ugu danbeeyey ay Wakiillada QM u qaabbilsan Soomaaliya ku celcelin jireen in doorashada qof argagaxiso hore ugu lug lahaa ay noqonayso tallaabo dib-u-gurasho.

Sidaasi darteed waxa Danjiruhu Golaha u sheegay inaanay aqbali doonin dhalleecayn iyo in xubno argagaxiso ah la difaaco iyagoo laga dhigayo kuwo aan waxba galabsan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: