Advertisements
Wararka

Madaxweyne Gaas oo ka hor yimid go’aan ka soo baxay isimada P/land oo lagu fasaxay…


Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ku gacan seyray, kana hor yimid go’aankii ka soo baxay isimada Puntland ee lagu caddeeyay in laga noqday amarkii mas’uuliyiinta xukuumadda Federaalka looga mamnuucay degaanada Puntland inta ay socoto doorashada maamulkasi.

War-saxaafadeed xalay saqdii dhexe ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inaysan waxba iska beddelin amarkii Wasaaradda Amniga Puntland ay ku mamnuucday, in madaxda iyo shaqaalaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya tagaan degaanada Puntland xilliga lagu jiro doorashada.

Kulan ay yeesheen isimada Puntland iyo musharixiinta doorashada Puntland ayaa lagu go’aamiyey inaan degaanada Puntland loo diidi karin cid kasta oo Soomaali ah oo aan dembiile ahayn, ayna kala tashadeen go’aankooda maamulka Madaxweyne Gaas ee talada haya, taasoo hadda u muuqata inaan la isku raacsaneyn.

Xubnaha laga mamnuucay Puntland ayaa kala ah Wasiirada iyo shaqaalaha xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, Kumana jiraan xildhibaannada labada Aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: