Advertisements
Wararka

Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed oo noqday Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland…


Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa loo doortay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, markii uu helay wareeggii labaad ee doorashada 43 cod, halka musharraxa wareegga labaad kula tartamay ee Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uu helay 23 cod.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka cusub ee Puntland , xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji Diiriye ayaa natiijada ku dhawaaqay.

Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo looga guuleystay doorashada guddoomiyaha wareeggii labaad ayaa hadal kooban oo uu jeediyay waxaa uu soo dhaweeyay guddoomiyaha cusub, isagoo sheegay inuu ku qanacsanyahay natiijada ka soo baxday doorashada, waxaa kalo u ballanqaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo guushiisa kaddib hadal jeediyay, ayaa ugu horrayn u mahadceliyay musharrixiintii la tartamayay, guddiga doorashada iyo dhinacyadii kale ee ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

“Dhinac waxaan ka dareemaya farxad, dhinacna culeys iyo mas’uuliyad weyn… waxaan codsanaya inad igu duceysaan inuu illahay xilkan ii fududeeyo oo igu asturo”. ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ayaa la filaya in la gudo galo, salaadda jimcaha kaddib, guddiga doorashada ayaa sida sheegay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: