Advertisements
Wararka

Ciidamada Jubbaland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada tuulooyin hoos taga Afmadow…


Sida ay sheegayaan wararka saakay naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saakay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan tuulooyin hoostaga degmada Afmadow.

Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa saakay gaaray tuulooyin hoostaga degmada Afmadow, waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaanad ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Maalma ka hor degmada Afmadow waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland oo diyaarado lagu geeyay, kuwaas oo laga daabulay Magalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhawaan sheegay in Maamulka Jubbaland ay ka go’an tahay inay Al-Shabaab ka saaraan deegaanada ay gacanta ku hayaan sigaar ah Gobolka Jubbada Dhexe.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6342 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: