Advertisements
Wararka

Dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Australia oo looga soo horjeedo soo galootiga…


Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo soo galootiga ayaa maanta ka dhacay magaalada caasimada ah ee Melbourne ee dalka Australia kaasi oo looga soo horjeedo siyaasada xukuumada ee ku aadan soo galootiga.

Saraakiisha booliska ayaa ka hortagay qaar ka mid ah dadkaan oo lagu eedeyay in ay doonayeen in sameeyaan falal lidi ku ah amniga.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo abaabulay siyaasiyiin ka tirsan xisbiga midig ee mucaaradka waxaana ay ka soo horjeedaan dadka soo galootiga ah ee ka soo jeeda Afrika.

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa ku eedeyaya falal danbiyeedyada ka mudooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Melbourne in ay ka danbeyaan dhalinyaro Afrikaan ah oo si qaxootinimo ah ku galay Australia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: