Advertisements
Wararka

M/weyne Laftagareen oo magacaabay guddi xaqiiqo raadin dhibkii ka dhacay Baydhabo…


Madaxweynaha Dowlad Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed Lafata -gareen ayaa guddi xaqiiq raadin ah u magacaabay shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafata –gareen ayaa lagu magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood,kuwaasi oo baaris dhab ah ku sameeyn doona shaqaaqooyin ka dhacay Magaalada Baydhabo xiligii loo diyaar garoobayay Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Shaqaaqooyinkaasi ayaa dhacay intii u dhexeeysay 13-15ka bishii December 2018, kuwaasi oo sababay Khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii ku dhintay oo 15 ahaa kamid ahaa Xidhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, lama oga waxa ka soo bixi kara baaritaankan Guddigan, Maadaama Madaxweynaha magacaabay ee Lafta Gareen ay u dheceen rabshadaha dartiisa, Iyadoo uu ku soo baxay doorasho ay gadaal ka riixeysa Xukuumada Somalia.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: