Advertisements
Wararka

Qoraal ka soo baxay waaxda difaaca Mareykanka oo lagu beeniyey war lagu baahiyey…


Dowladda Mareykanka ayaa beenisay war ay baahiyeen Warbaahinta qaar oo laga soo xigtay saraakiil hore oo ka tirsanaa Pentagon-ka Mareykanka.

Afhayeenadda Wasaaradda difaaca Mareykanka sidoo kalena ah taliyaha Ciidanka Badda Mareykanka Candice Tresch, ayaa beenisay wararka ay baahinayaan Warbaahinta qaar.

Waxa ay sheegtay in aysan jirin wax cusub oo isbeddel dhinaca siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahan, sidoo kalena ay dowladda Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Warbaahinta NBC News , ayaa baahiyay in Mareykanka uu dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya sidoo kalena hoos u dhigaayo tirada duqeynta ah.

Qoraalka ka soo baxay Waaxda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadayo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sanadkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa 47 Weerar oo dhinaca cirka ah ka geystay Soomaaliya kaligeed, waxaana Ciidamadiisa jooga Soomaaliya uu tiradooda gaarsiiyay 500 oo Askari.

Mareykanka ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay tiro ahaan u dhaxeeyaan 3,000 ilaa 7,000 oo qof halka Daacish ay u dhaxeeyaa 70 ilaa 250 Qof.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: