Advertisements
Wararka

Rep. Rashida Tlaib oo wacad ku martay in ay mooshin ka keeni doonto Madaxweyne Trump…


Rep. Rashida Tlaib oo ah mid ka mid ah Gabdhihii ugu horeyey oo Muslim ah oo loo doortay aqalka hoose ee Congress-ka Mareykanka ayaa la kulantay dhaleeceyn kaga imaaneysa madaxweyne Donald Trump.

Rashida Tlaib ayaa markii la dhaariyay kadib hadalo ay jeedisay waxaa si weyn uga hor yimid madaxweyne Trump waxaana uu ku sheegay luuqada ay ku hashay in ay tahay mid aflagaado ah.

Balse gabadhaan oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga ayaa difaacday hadalada ay ku hadashay waxaana ay wacad ku martay in ay keeni doonto mooshin ka dhan ah Trump.

Rashida Tlaib ayaa asal ahaan waxay ka soo jeeda wadanka Falastiin waxaana la soo doortay doorashadii dhacday bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: