Advertisements
Wararka

Howlgal ballaaran oo ciidamada dowlada ka wada xaafadaha degmada Afgooye…


Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ka wadaan howlgal ballaaran xaafaddaha degmadu ka kooban tahay.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howlgalkan yimid kadib markii ay degmadu ku noq noqdeen weerarrada lagu qaado saldhigyada Al-shabaab iyo dilalka qorsheysan ee degmada ka dhaca.

Qof ka tirsan dadka ku dhaqan degmada ayaa sheegay in baaritaanku yahay mid saameynaya xitaa guryaha ay dadka rayidka ah ku nool yihiin oo mid mid ciidamadu gudaha u galayaan.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla magaalada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: