Advertisements
Wararka

Whatsapp oo aan taageeri doonin 1.5 bilyan telefoon oo ku shaqeeya nidaamka Nokia S40…


Shirkada Whatsapp ayaa ku dhawaaqday joojinta taageerada in ka badan 1.5 bilyan telefoon oo ku shaqeeya nidaamka Nokia S40 dhamaadka sanadkii la soo dhaafay 2018.

Shirkadda ayaa muujisay sida ay uga xun tahay go’aanka, taas oo ay ku tilmaamtay mid adag, laakiin si kastaba waxay sheegtay in ay u sameysay si ay u wanaajiso adeega macaamiisheeda isla markaana u fududeyso xiriirka asxaabta iyo kuwa ay jecel yihiin.

Nidaamka Nokia S40 ayaa waxaa la soo saaray 1999-kii waana mid ka mid ah nidaamyada ugu farsamada badan ee loo isticmaalo qalabka telefoonada Nokia ee hadda jira oo ay ku jiraan 31 nooc oo ka mid ah qalabka Nokia.

Whatsapp ayaa sheegtay in ay nasiib daro tahay in aan suuragal aheyn wada hadaladii hore aan dib loo dhageysan karin, maadaama aanu jirin nidaam si ku meel gaarka ah hadalada u duuba oo aan laheyn nidaamka Nokia S40.

Whatsapp ayaa sidoo kale waxay qorsheyneysaa in ay joojiso taageerada dhammaan qalabyada iPhone-ka ku shaqeeya nidaamka ios 7 marka la gaaro bisha February 2020, sidoo kale telefoonada ku shaqeeya nidaamka Android 2.3.7 ama kuwa ka horeeyey ayaa isla taariikhdaasi weyn doona taageerada Whatsapp.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6149 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: