Advertisements
Wararka

Xildhiban C/fataax Ismaaciil oo M/weyne Farmaajo ku eedeeyey inuu wado fal aargoosi ah…


Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somalia ayaa dhaliil adag kala dul dhacay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo uu ku eedeeyay inuu wado fal aargoosi ah.

C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia, ayaa sheegay cid kasta oo ku lug laheyd heshiiskii Kampala Accord ee sanadkii 2011 inuu ka aargoosanaayo Madaxweynaha.

Heshiiskaasi oo Kampala lagu soo saxiixay, kadib ayaa waxaa xilkii iska casilay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Farmaajo oo hadda ah Madaxweynaha Somaliya.

“Waxaa marqaati u ah Madaxweyne Farmaajo qof kasta oo Heshiiskii Kampala Accord ka qayb geliyay in laga aargoosto, budkii wuxuu ku dhacay Wakiilkii Qaramada Midoobey Mr Haysom oo saddex bil ka badan dalka aan joogin, hadda waxaa haray Sheekh Shariif iyo Yoweri Museveni dadka laga aargoosanayo, koley war uma hayo waxa lagaga aargoosanayo ayaga inoo sheegi doono.”Ayuu yiri Xildhibaanka oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Xildhibaanka hadalkaan sheegay ayaa ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ku ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, isaga oo maalmahan dambe hadalo xanaf leh ku weeraraayay Madaxweynaha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: