Advertisements
Wararka

Dil toogasho ah oo lagu fuliyey dhalinyaro horey u dilay nabadoon Hilowle Xeefoow…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo horay u dilay nabadoon.

Xasan Cali Xasan Keeroow oo 25 jir ah iyo C/raxmaan Ciise Cali Fiidow oo 22 jir ah ayaa horay degmada Wadajir ugu dilay Nabadoon Hilowle Xeefoow Xuseen taariikhda marka ay aheyd 02/11/2016.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta oo Isniin ah ku fulisay dil toogasho ah oo ahaa xukunkii horay ay ku ridday maxakmadda Ciidamada, waxaana lagu toogtay Fagaare ku yaal School Polizio.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada ay dil toogasho ku fulisay nin ka mid ahaa Al-Shabaab, kaasoo ka soo muuqday kaamirada qarsoon, una qaabilsanaa sahminta qaraxyada iyo gaadiidka la dhigo goobaha dadka isugu yimaadaan.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa horay ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo intii uu xukunka hayay aan la fulin xukunada dilka ee ay riddaan Maxkamadaha, waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in sababta weli Madaxweynuhu u saxiixi la’yahay dilalka ay tahay inuu heysto Baasaboor Mareykan ah, hase ahaatee tan iyo bishii October ee sanadkii hore 2018 waxaa la fuliyay illaa afar dil, taasoo sida muuqata uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Shabakada wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6342 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: