Advertisements
Wararka

Gabadhii Sacuudiga ee baxsadka aheyd oo laga saaray hoteelkii ay isku soo xirtay…


Gabadhii Sacuudiga ee baxsadka aheyd Rahaf al-Qanun oo ka baxday hoteelkii ay isku xirtay magaalada Bangkok ee dalka Thailand, kadib markii ay sheegtay in ay ka soo carartay qoyskeeda sababo la xiriira iyaga oo kula kacayay xadgudubyo, waxay ka baxday Hoteelka iyada oo daryeel ka heshay UNHCR, waxayna dareemeysaa farxad iyo raaxo maanta oo isniin ah.

Booliska Thailand ayaa sheegay “Waxaan geyn doonaa meel aamin ah iyada oo ammaan u tahay UNHCR”. ayuu yiri.

Kadib markii saraakiisha socdaalka iyo baasaboorada iyo wakiilada UNHCR ee Thailand ay kulmeen, waxay al-Qanun ka baxday hoteelkii ay degeneyd iyada oo ay weheliyaan kooxda UNHCR, waxayna ka baxeen albaabka dambe si looga fogaado warbaahinta oo dibada hoteelka ku sugayey.

Madaxda Emigeration iyo UNHCR.jpg

Taa baddalkeeda, UNHCR ayaa daabacday war qoraal ah oo intii lagu jiray kulankii ku saabsanaa arrinta Rahaf ayaa lagu sheegay in gabadhani ay u baahneyd ilaalin caalami ah ee xuquuqdeeda qaxootinimo, waxayna si deg deg ah u heshay xal laga gaaray dhibaatadeeda. Dhinaca kale Waalidka Rahaf  oo Maxamed al-Qanun ayaa ah qof saameyn weyn leh.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: