Advertisements
Wararka

NISA oo sheegtay in ay fuliyeen howlgal lagu burburiyey saldhig al-Shabaab ku laheyd Dugule…


Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in ay howlgal ay ka fuliyeen deegaanka Dugule ee gobolka Shabeellaha Hoose ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka.

Qoraal ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in 05tii bishan howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha hoose ku bur buriyeen saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Dugule.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray howlgalka gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan Al-shabaab oo sida ay hay’addu hadalka u dhigtay dadka ka qaadi jiray lacago sharci darro ah.

Laakiin hay’adda NISA qoraalkeeda kuma aysan xusin magaca shaqsiga gacanta lagu dhigay ee ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa marar badan oo hore qoraallo ay soo saartay ku sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab sidoo kalana bur buriyeen xarumo muhiim u ahaa Ururka oo ay ka soo qaadi jireen weerarrada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: