Advertisements
Wararka

Doorashadii M/weynaha P/land oo ku guuleystay Saciid Cabdulaahi Dani oo helay 35 cod…


Waxaa goordhaw soo dhamaatay wareegii ugu dambeeyay doorashada Madaxweynaha maamulka Puntland oo ka socotay magaalada Garoowe, waxaana wareegii ugu dambeeyay doorashada ku tartamayay labo musharax.

Doorashada waxaa ku guuleestay Musharax Saciid Cabdulaahi Dani oo helay 35 cod halka Musharaxa kaalinta labada galay Asad Cismaan Cabdulaahi Diyaano uu isna helay 31-cod..

Doorashada goordhaw ka dhacday magaaada Garoowe ayaa aheyd mid xiiso iyo xamaasad gaar ah wadatay, waxaana doorashada isaga haray Musharaxiin horey loo saadaalinayay in ay ku guuleysan donaan.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay la dhacsan tahay natiijada kasoo baxady doorashada in kastoo laga guuleystay musharaxiintii ay taageeraysay ,hadda waxa ay guul dowladu u aragtaa in Gaas meesha ka baxay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6341 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: