Advertisements
Wararka

Seddax musharax oo u soo baxday wareega labaad ee doorashada M/weynaha P/land…


Waxaa la soo gabagabeeyay wareega koowaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland, iyadoo loo gudbay wareega labaad oo ay isku soo hareen saddex musharax oo ahaa kuwa ugu codka badnaa wareegii koowaad.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaada C/weli Gaas oo u tartamayay sidii uu mar kale ugu guuleysan lahaa ayaa ku haray wareegii koowaad, kaddib markii uu helay 8 cod.

Wareega koowaad ayaa waxaa ka soo baxay saddex Musharax oo kala ah Saciid C/llaahi Deni, Asad Cismaan iyo Faarax Cali Shire.

Musharaxiintan ayaa ah kuwo aad ugu cad cadaa, qaarkood ayaa aad loo hadal hayay, marka loo eego ololahooda doorashada.

Waxaa hadda socota codeynta wareega labaad, waxaana Musharaxii hela saddex meel labo meel uu noqonayaa Madaxweynaha Puntland ee shanta sano ee soo socota.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: