Advertisements
Wararka

Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen Koonfurta Somalia…


Taliska Milateriga Mareykanka ee AFRICOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray duqeyn ka dhacday Koonfurta Soomaaliya, kaasoo lagu bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab.

War saxaafadeedka Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu dilay 6 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Dheerow Sanle, waxaana lagu burburiyay gaadiid ay wateen xubnaha la bartilmaameedsaday.

Ma jirto faah faahin intaas dhaafsiisan oo Mareykanka ka soo saaray duqeynta, iyo shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday.

“Dowladda Mareykanka waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: