Advertisements
Wararka

Xildhibaan ka tirsan Xisbiga AFD ee garabka midig oo dhaawac halis ah loo geystay…


Xildhibaanka garabka midig ee xisbiga AFD ee Jarmalka Frank Magnitz ayaa weerar lagu gaarsiiyey dhaawac halis ah, weerarkaasi oo booliska ku tilmaamay mid siyaasadeed.

Hogaamiyaha xisbiga Jarmalka ee isbedelka AFD ayaa weerar loogu geystay Gobolka Bremen, iyadoo weerarka ay geysteen seddax nin oo wajiyada soo xirtay bartamaha magaalada.

Saraakiil ka tirsan Xisbiga ayaa sheegay in nimanka wajiga qarsaday ay la dhaceen xildhibaanka alwaax ilaa uu ka miyir beelo, waxayna kaga dhufteen madaxa.

Xukuumadda iyo siyaasiyiinta ka soo kala jeeda axsaabta kala duwan ayaa cambaareeyay weerarka.

Magnitz oo dhulka jiifa.jpg

Magnitz, oo 66 jir ah, ayaa ka baxay Matxafka Dhaqanka, wuxuuna u socdey meel baabuurta la dhigto.

Bilayska ayaa sheegay in ay madaxa kaga dhufteen waxyaabo aan la garaneynin, waxay ahaayeen saddex nin oo ka cararay goobta ay falka ka geysteen.

Si loo badbaadiyo waxaa ku cararay labo qof oo halkaasi wax ku iibinayay kadibna waxaa loola cararay isbitaalka.

Magnitz ayaa ku sheegay wareysi looga qaaday isbitaalka in uusan si dhab ah u xasuusneyn waxa dhacay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: