Advertisements
Wararka

Dibadbaxayaal taageero u ah M/weyne al-Bashiir oo soo buux dhaafiyey magaalada Khartoum…


Boqolaal ruux oo dibadbaxayaal ah ayaa Arbacada maanta ah soo buux dhaafiyay magaalada caasimada ah ee Khartoum kuwaasi oo taageere u ah madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Arintaan ayaa ka danbeysay kadib dibadbaxyo xoogan oo dhiig ku daatay oo tan iyo 19-kii bishii la soo dhaafay looga soo horjeeday xukuumada Suudaan.

Madaxweyne Bashiir oo talada la wareegay sanadkii 1989 ayaa hada wajahaya mucaaradadii ugu xooganeyd ee abid uu arko tan iyo markii uu afgambiga kula wareegay Sudaan.

Boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa loo daabulay fagaaraha Green Yard ama الساحه الخضرا,sida ay tabisay wakaalada wararka ee AFP.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6342 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: