Advertisements
Wararka

Ergeyga IGAD u qaabilsan Somalia oo ka dalbaday M/weynaha cusub P/land inuu la shaqeeyo…


Ergeyga gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland, Siciid Maxamed Deni, oo Shalay ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday Garowe.

Dr, Guuyo, ayaa sidoo kale ammaanay doorkii ay ka qaateen, Dowladda federaalka, maamulka Puntland, Odayaasha dhaqanka iyo Ururrada Bulshada.

Ergeyga ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamayashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo si gaar ah u ammaanay aqbalaaddii iyo sidii uu xilka ku wareejiyay, C/wali Maxamed Cali Gaas.

Dr, Guuyo, ayaa kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimaado hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira.

Doorasho shalay ka dhacday Magaalada Garowe, ayaa lagu doortay Madaxweyne cusub oo uu maamulkaasi yeeshay & Ku xigeenkiisa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (6343 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: