Advertisements
Wararka

M/weyne Trump oo jeediyey khudbad ku saabsan baahida derbiga xadka Mexico loo qabo…


Madaxweynaha Maryakanka Doland Trump ayaa khudbad uu jeediyey kaga hadlay amniga xuduudda koonfureed ee Maraykanka. Waxa uu sheegay in muhaajiriinta sharci-darrada ah iyo tahriibintooda maandooriyaha ee Maraykanka ay khatar ku hayaan nolosha iyo dhaqaalaha dadka Maraykanka ah.

Madaxweynaha ayaa Congress-ka ka dalbaday in ay siiyaan 5.6 bilyan dollar si uu ugu dhiso derbiga xuduuda Mareykanka la leeyahay Mexico.

Trump ayaa ku tilmaamay dhibaatada xadka Mareykanka uu la leeyahay Mexico in ay tahay dhibaato bina’aadanimo iyo mid amni intuba.

Markii uu madaxweynuhu hadalkiisa dhameeyey ka dib, waxaa iyaguna khudbad jawaab ah jeediyey, labada hogaamiye ee xisbiga Dimoqraadiga, waa Nancy Pelosi oo Aqalka Hoose hogaamisa iyo Chuck Schumer oo Dimoqraadiga Aqalka Senateka hogaamiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: