Advertisements
Wararka

Mohamed Salah oo ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee Afrika…


Laacibka Masar iyo Naadiga Liverpool Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee Africa ee 2018 markii labaad ee isku xigta.

Waxaa kula tartamay Salah abaalmarintan saaxiibkiisa ay ka wada tirsan yihiin kooxda Liverpool iyo qaranka Senegal Sadio Mane iyo xiddiga Arsenal iyo Qaranka Gabon Pierre-Emerick Aubameyang.

Abaalmarintan ayaa Salah ka dhigeysa laacibkii ugu horeeyey ee ka soo jeeda waqooyiga Afrika oo ku guuleysta laacibka Afrika labo jeer oo isku xigta.

Salah ayaa ah Masrigii labaad ee ku guuleysta abaalmarinta kadib xiddigii Masar ee taariikhda galay Mohamud al-Khatiib oo helay sanadkii 1983.

Kol hore ayey ahey markii Salah uu ku guuleystay abaalmarinta BBC da laacibka ugu wanaagsan ee Afrika sanadka 2018.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

Advertisements
About Admin (5671 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: